Rooble oo kormeeray Xarunta Agoonta Booliska (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kormeeray Xarunta Xannaanada Caruurta Agoonta ee Booliska Soomaaliyeed.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa u kuurgalay qaabka halkaasi loogu daryeelo carruurta ay aabayaashood u dhinteen xaqiijinta ammaanka ee dalka, isagoo sidoo kale kormeer ku sameeyay daruusta la barro, cunnada ay cunnaan iyo weliba goobaha ay seexdaan.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa kolkii dambe la qadeeyay carruurtaasi, oo si weyn ugu faraxsaneyd booqashada uu maanta ugu yimid.

Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa bulshada Soomaaliyeed ka codsaday inay caawiyaan carruurta Soomaaliyeed.

“Waxaan waqti la qaatay Carruurta Agoonta ee Booliska Soomaaliyeed, oo aan u kuurgalay xaaladdooda waxbarasho & daryeelka ay helaan. Bulshadeenna waxaan ka codsanayaa caawinta agoonta meel walba oo ay joogaan, gaar ahaan kuwa ay waalidkood difaaca qaranka u dhinteen.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Rooble oo warkan ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com