Somaliya oo Kenya ku eedeysay in jabhaddii soo hubeysay weerareen Beled Xaawo

Dowladda Somaliya ayaa cambaareysay weerar ay sheegtay in Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo ku soo qaadeen maleeshiyaad ay soo hubeysay Dowladda Kenya.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Wasiirka Warfaafinta Somaliya, Cismaan Abokar Dubbe ayaa lagu sheegay in jabhadaasi oo ka timid dhanka Kenya ay caawa weerartay Degmada Beled Xaawo.

Warsaxaafeedka ayaa lagu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay jilbaha u dhigteen weerarkaasi, isla-markaana ay fashiliyeen duulaankaasi uu shisheeyuhu soo maleygay.

Sida warsaxaafadeedka lagu sheegay duulaankaasi gardarada ah ee laga soo abaabulay gudaha Kenya uu khilaafsan yahay maslaxada nabad ku wada noollaashaha shucuubta gobolka iyo xeerarka caalamiga ee ku dhisan xaqdhawrka iyo ilaalinta madaxbannaanida qaranimo.

Akhriso warsaxaafadeedka

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com