Dowladda oo ka hadashay dagaalka Degmada Beled Xaawo

Wasiirka Warfaafinta Somaliya, Cismaan Abokar Dubbe oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dagaalka culus ee ka dhacay Degmada Beled Xaawo.

Wasiirka ayaa sheegay in Ciidamada Kenya iyo jabhad ay hubeysay soo weerareen Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo, sida uu yiri.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada Kenya ee xuduudda ka soo tallaabay uu ujeedkoodu ahaa inay la wareegaan Degmada Beled Xaawo, balse ay Ciidanka Xoogga Dalka ka hortaggeen, isla-markaana ay iska difaaceen.

Waxa kaloo uu sheegay in jabaddii ay soo hubeysay Kenya dagaalka lagu gaarsiiyay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, isla-markaana laga qabtay 100 nin oo maxaabiis ah.

Cismaan Abokar Dubbe, Wasiirka Warfaafinta Somaliya ayaa xusay inaanay doonayn in ay xilligan soo bandhigaan maxaabiistii dagaalka lagu qabtay.

Wasiir Dubbe ayaa Ciidanka Xoogga Dalka ku ammaanay inay markasta u diyaarsan yihiin difaaca dalka.

Inta laga warqabo waxaa dagaalka ku dhintay dhawr iyo toban askari oo labada dhinac ah iyo sideed qof oo shacabka reer Beled Xaawo ah. Rayidka dagaalka ku dhintay waxay u badan yihiin kuwo ay madaafiicda ugu taggeen guryahooda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com