ugu dambeeyay ee dagaalka Degmada Beled Xaawo


Faah faahin ayaa ka soo baxaya dagaal saaka ka dhacay Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo, kaasoo daba socdo weerar ay xalay degmadaasi ku qaadeen Ciidamada Maamulka Jubbaland.
Ciidamada Dowladda ayaa degmadaasi dib uga riixay Ciidamadii Jubbaland, marka laga reebo tiro askar ah oo qoryo la saaran Dhismaha Salaam Bank oo ka soo horjeeda Saldhigga Booliska, iyadoona ay Ciidamada Booliska ku hareereysan yihiin.
Ciidanka Kumaandooska Gorgor ayaa door weyn ku qaatay tallaabada ay Ciidamada Dowladda ku difaacdeen gacan ku haynta degmadaasi. Ciidanka Gorgor ayaa Ciidamada Jubbaland ku khasbay inay dib ugu laabtaan gudaha Mandhera, marka laga reebo tirada yar ee lagu hareereeyay Dhismaha Salaam Bank.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Gorgor ay iminka ku sugan yihiin afaafka hore ee Mandhera, wax rasaas ahna aanay iminka halkaasi ka dhaceynin.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamadii Kenya ee xalay illaa saaka madaafiicda ku garaacayay Degmada Beled Xaawo ay madaafiicdii joojiyeen, ka dib markii ay horyimaadeen Kumaandooska Gorgor.
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Dhacdo.com u sheegay in Ciidanka Gorgor ku sugan yihiin meel aan sidaasi uga fogayn, halkii madaafiicda goobta ay Kenyanku ka soo ridayeen.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee ku sugan afaafka hore ee Mandhera ayaa ku sheegaya inaanay qorsheynayn inay gudaha u galaan Mandhera, illaa amar dambe.
Dhanka kale waxaa isa soo taraya khasaaraha dagaalka ka soo kala gaaray labada dhinac iyo weliba dadka deegaanka, iyadoo dhimashada labada dhinac ay illaa toban sii caga cageynayso.
Sidoo kale Shan carruur ah oo wada dhalatay ayaa dhintay madfac saaka ku dhacay hoygooda oo ku yaala Beled Xaawo. Aabaha dhalay carruurtan waxaa lagu magacaabaa Cabdiweli Turmaag.
Dowladda Federaalka ayaa xalay Kenya ku eedeysay in jabhad ay hubeysay soo weerareen Degmada Beled Xaawo, halka Jubbaland ay Dowladda Federaalka ku eedeysay in ciidamadeeda soo weerareen Ciidamadii Jubbaland ee xuduudda ku sugnaa.