Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Degmada Beled Xaawo

Faah faahin ayaa ka soo baxaya dagaalkii saaka ka dhacay Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo, kaasoo daba socdo weerar ay xalay degmadaasi ku qaadeen Ciidamada Maamulka Jubbaland.

Ciidamada Dowladda ayaa degmadaasi dib uga riixay Ciidamadii Jubbaland, marka laga reebo tiro askar ah oo qoryo la saaran Dhismaha Hormuud, iyadoona ay Ciidamada Booliska ku hareereysan yihiin.

Ciidanka Kumaandooska Gorgor ayaa door weyn ku qaatay tallaabada ay Ciidamada Dowladda ku difaaceen gacan ku haynta degmadaasi. Ciidanka Gorgor ayaa Ciidamada Jubbaland ku khasbay inay dib ugu laabtaan gudaha Mandhera, marka laga reebo tirada yar ee lagu hareereeyay Dhismaha Hormuud.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Gorgor ay iminka ku sugan yihiin afaafka hore ee Mandhera, wax rasaas ahna aanay iminka halkaasi ka dhaceynin.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamadii Kenya ee xalay illaa saaka madaafiicda ku garaacayay Degmada Beled Xaawo ay madaafiicdii joojiyeen, ka dib markii ay horyimaadeen Kumaandooska Gorgor.

Ilo wareedyo ayaa Dhacdo.com u sheegay in Ciidanka Gorgor ku sugan yihiin meel aan sidaasi uga fogayn, halkii madaafiicda goobta ay Kenyanku ka soo ridayeen.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee ku sugan afaafka hore ee Mandhera ayaa ku sheegaya inaanay qorsheynayn inay gudaha u galaan Mandhera, illaa amar dambe.

Sidoo kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in Ciidamada Jubbaland ay abaabul ka wadaan dhanka wadada ka timaada Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Dhanka kale waxaa isa soo taraya khasaaraha dagaalka ka soo kala gaaray labada dhinac iyo weliba dadka rayidka, iyadoo dhimashada labada dhinac ay illaa toban sii caga cageynayso.

Sidoo kale shan carruur ah oo wada dhalatay ayaa ku dhintay madfac saaka ku dhacay hoygooda oo ku yaala Beled Xaawo. Aabaha dhalay carruurtan waxaa lagu magacaabaa Cabdiweli Turmaag.

Dowladda Federaalka ayaa xalay Kenya ku eedeysay in jabhad ay hubeysay soo weerareen Degmada Beled Xaawo, halka Jubbaland ay Dowladda Federaalka ku eedeysay in ciidamadeeda soo weerareen Ciidamadii Jubbaland ee xuduudda ku sugnaa.

Si kastaba ha-ahaatee dagaalkan ugu dambeeyay ee ka dhacay Degmada Beled Xaawo ayaa lagu sheegay mid ka mida dagaaladii ugu qaraaraa ee degmadaasi ka dhacay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com