Wasiirka Amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay dagaalka khasaaraha xoogan lagu gaarsiisay maleeshiyada Al Shabaab ee Axadii ka dhacay nawaaxiga deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug.
Wasiirka ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda, kuwa Galmudug iyo dadka deegaanka ay u istaaggeen, sidii Shabaab looga dulqaadi lahaa dhibaatooyinka ay dadka deegaanka ku hayaan.
Wasiirka ayaa tilmaamay in Axadii ay duulaan ku qaadeen fariisimo ay maleeshiyada Shabaabku ku lahaayeen inta u dhaxeyso Bacaadweyne iyo Cammaara, halkaasoo uu ka dhacay dagaal khasaaro lixaad lihi lagu gaarsiiyay, in ku dhow konton kalena looga dhaawacay iyo in fariisimihii lagu dagaalamay lagala wareegay.
Wasiirka oo la hadlay VOA ayaa xusay in dhankooda ay dagaalka kaga dhinteen lix qof, halka afar iyo toban kalena ay kaga dhaawacantay. Waxa uu intaa ku daray in Shabaabku ay gaareen heer maleeshiyadii laga dilay inay ku sheegaan dhinacyadii weerarka ku soo qaaday, oo ay ka dileen in ay yihiin, sida uu yiri.
Wasiir Fiqi ayaa sheegay inay xogta ku hayaan in dhaawacyadoodii ay u qaadeen dhanka Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, hal goobna ay ku aaseen meydadka dhawr iyo labaatan nin oo maleeshiyadii laga dilay ah.
Wasiir Fiqi ayaa ku hanjabay inay sii wadi doonaan hawlgalada ka dhanka ah dhulka ay maleeshiyada Al Shabaab ka jooggaan deegaanada Galmudug, hawlgalkii shalayna uu horudhac u yahay hawlgalo ballaaran oo laga bilaabi doono deegaanada ay Galmudug kaga sugan yihiin.

Waxaa uu boggaadiyay shacabka ku dhaqan Hobyo, Bacaadweyne iyo Wisil, oo uu ku ammaanay inay u soo baxeen ka qayb qaadashada dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.
Sidoo kale shacabka ku nool Cammaara, Xarardheere, Galhareeri, Ceelbuur iyo Ceeldheer ayuu ugu yeeray inay dagaalka u soo baxaan.
“Waxaana hadda rabnaa inaan dhiiragelino dadka Cammaara, Xarardheere, Galhareeri, Ceelbuur illaa Ceeldheer degan inay soo baxaan.” Ayuu yiri Wasiirku.
Wasiirka ayaa yiri “Kooxaha ka yar kun ayaa ummaddii wareerisay, xoolahoodii dhacaya, gabdhahoodii yar yaraa si khasaba uga wadanayo, wiilashii yar yaraana dagaal khasaba gelanaya, marka waxaan ugu baaqaynaa iyagana inay heeryada duliga iska roggaan.”
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com