Duqa Muqdisho oo gebi ahaanba joojiyay dhulalka ay bixiso D/hoose

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa joojiyay guud ahaan dhaqdhaqaaqyada Waaxda Dhulalka ee Dowladda Hoose ee Xamar.

Digreeto ka soo baxday Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in la joojiyay dhammaanba shaqadii iyo dhaqdhaaqyadii Waaxda Dhul-bixinta ee Dowladda Hoose ee Xamar.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, Saalax Xasan Cumar (Saalax Dheere) ayaa digreetada u akhriyay Warbaahinta, waxaana ku xusan in shaqada looga joojiyay waaxdaasi, ka dib markii dhaliilo iyo eedeymo ka dhan ah laga soo gudbiyay.

Digreetada ayaa lagu sheegay in la baari doono waax kasta oo ka mid ah Waaxyaha Dhulalka ku shaqada leh ee Dowladda Hoose ee Xamar.

Shaqo joojinta lagu sameeyay Waaxda Dhul-bixinta ee Dowladda Hoose ee Xamar ayaa dhaqangeli doonto marka uu saxiixo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, isla-markaana uu Duqa Muqdisho u xilsaari doono guddi baaritaan, oo soo xaqiijiya wararka maalmahaan lees dhexmarayay ee la xiriira arrimaha dhulalka.

Masuuliyiinta ay digreetada ku socoto ayaa laga codsaday inay sidaasi ula socdaan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com