James Swan oo Xarunta Xalane ku qaabilay Wasiirka Haweenka (SAWIRRO)

Wakiilka Qaramada Midoobey ee u qaabilsan arrimaha Somaliya, Amb. James Swan ayaa maanta Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho ku qaabilay Wasiirka Haweenka & Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka, Xaniifa Maxamed Ibraahim.

Labada dhinac ayaa kulanka uga wadahadlay arrimo ay ka mid yihiin qoondada haweenka ee Baarlamaanka Somaliya ee boqolkiiba soddon (30%), ilaalinta xuquuqda aadanaha ee xilliga doorashada, xoojinta wada shaqaynta Wasaaradda iyo Hay’adaha Qaramada Midoobey, ee Wasaaradeedu bah-wadaagta yihiin.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo hadalqaaday, sidii loo dardargelin lahaa shaqada xarunta u qareemidda qoondada haweenka, ee ay dhawaan Wasiiraddu xarigga ka jartay.

Haweenka Soomaaliyeed ee daneeya arrimaha siyaasadda ayaa dadaal ugu jira, sidii ay boqolkiiba soddon uga heli lahaayen Labada Aqal ee Baarlamaanka soo socda.

Haweenka ayaa Baarlamaanka 10aad ee waqtigiisu dhammaaday ka helay boqolkiiba afar iyo labaatan (24%), doorashadii sanadkii 2016.

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa horaantii bishan sheegay in xukuumaddiisa ay ka shaqayn doonto xaqiijinta qoondada haweenka ee boqolkiiba soddon, mar uu xafiiskiisa ku qaabilay haweenka ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com