Kenya oo u jawaabtay Dowladda Somaliya

Dowladda Kenya ayaa si adag u beenisay eedeymihii Dowladda Somaliya, ee ahaa in Ciidamada Kenya ka qayb qaateen dagaalkii Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Fred Matiang’i ayaa sheegay inaysan jirin ciidamo Kenyan ah oo xadka ka gudbay, kana qayb qaatay dagaalkii faraha looga gubtay ee Isniintii ka dhacay Degmada Beled Xaawo.

Wasiirka ayaa Warbaahinta u sheegay in dagaalku uu ahaa mid u dhaxeeyay Soomaalida, isla-markaana uu gudaha Somaliya ka dhacay.

“Waxaan oganahay in xuduudda dhanka Somaliya uu dagaal ka jiro, balse waa dagaal ka socdo gudaha Somaliya. Anagu kuma lug lihin, mana jiro askari ka tirsan ciidamadeena oo u gudbay xuduudda Somaliya.” Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya.

Wasiirka ayaa intaa ku daray “Ma aqaan cidda ay ula jeedaan eedeyntaa, laakiin waxaan idin xaqiijinayaa inaanan ku lug lahayn, waana dagaal ka jira gudaha Somaliya.”

Wasiirka Warfaafinta Somaliya, Cismaan Abokar Dubbe ayaa Isniintii sheegay in Ciidamada Kenya iyo jabhad ay Kenya hubeysay soo weerareen Degmada Beled Xaawo.

Wasiir Dubbe ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada Kenya ee xuduudda ka soo tallaabay uu ujeedkoodu ahaa inay la wareegaan Degmada Beled Xaawo, balse ay Ciidanka Xoogga Dalka ka hortaggeen, isla-markaana ay iska difaaceen.

Marka laga soo taggo eedeymaha Dowladda Somaliya ee Kenya u jeedisay ayaa waxaa jira ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo sheegaya in Ciidamada Kenya ee xuduudda Mandhera ku sugan, ay madaafiic xoogan ku garaaceen Degmada Beled Xaawo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com