Wasiirka Gaashaandhigga oo kormeeray Ciidanka Ilaalada Badda (SAWIRRO)

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta kormeeray Xarunta Taliska Ciidanka Badda iyo Ilaalada Xeebaha.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Badda iyo Ilaalida Xeebaha, General Cabdixamiid Maxamed Dirir iyo cutubyo ka tirsan Ciidanka Badda, oo salaan sharaf ka qaatay.

Wasiirka ayaa warbixin la xiriirta hawlaha shaqo ee Ciidanka Badda ka dhageystay General Cabdixamiid Maxamed Dirir, Taliyaha Ciidanka Badda iyo Ilaalida Xeebaha.

Sidoo kale Wasiirka oo la hadlay Ciidamada Badda ayaa sheegay in Dowladda Somaliya ay waddo qorshe ballaaran, oo lagu horumarinayo Ciidamada Qalabka Sida, qaybna ay ka yihiin geesiyaasha u taagan difaaca qaranimada iyo madaxbannaanida dalka.

Dhanka kale Wasiir Xaaji ayaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage,ka dhageystay warbixin ku aadan hawlgalada Ciidanka Xoogga Dalka, ay ka wadaan qaybo ka mida dalka.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hawlgalo ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab ka wada gobolada dalka qaarkood.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com