Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed), Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle ayaa maanta kormeeray booliska sida gaarka ah u tababaran Haramcad, ee suggaya Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee lagu wado in lagu qabto Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Dowladda Somaliya ayaa markii ugu horeysay Ciidanka Haramcad geysay Magaalada Beledweyne, 9-kii bishan January, iyadoona la dejiyay Garoonka Kubadda Cagta ee Laqanyo. Ujeedada loo geeyayna waxay ahayd inay suggaan ammaanka Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka.
25 ka mida Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu dooran doonnaa Magaalada Beledweyne, guud ahaan 38-ka Mudane ee ka imaanaya deegaanada Hirshabelle.
Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle oo la hadlay Ciidanka Haramcad ayaa marka hore boggaadiyay shaqada ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan.
Madaxweyne Kuxigeenka ayaa Ciidanka Haramcad kula dardaarmay inay adkeeyaan, oo ay xoojiyaan amniga Magaalada Beledweyne, si looga hortaggo falalka amni-darro ee xilliyada qaarkood magaaladaasi ka gaystaan kooxaha nabadiidka.
Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle waxaa kormeerkan ku wehlinayay Xildhibaano iyo masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan.





Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com