Dab xoogan oo caawa ka kacay Warshadda Isbuunyada Shaakir ee Baydhabo

Dab xoogan ayaa caawa fiidkii ka kacay Dhismaha Warshadda Isbuunyada Shaakir ee Magaalada Baydhabo, iyadoo aan la garanayn waxa dabkaasi dhaliyay.

Dabka ayaa marba marka ka dambeysa waxaa uu ku sii fidaya qaybaha ay warshadaasi ka kooban tahay, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Warshaddu waxay ku taallaa halka lagu magacaabo Bakiin ee Bariga Magaalada Baydhabo, iyadoona holaca dabkaasi laga dareemay qaybo ka mida magaalada.

Waxaa aad u yar rajada laga qabo in deminta dabkaasi goor horeba lagu guuleysto, sababo ku aadan magaalada oo aan lahayn gaadiidka dab demiska.

Maxamed Mukhtaar oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa nasiib-darro ku tilmaamay inaanay maanta Magaalada Baydhabo lahayn wax dab demis ah.

“Waxaa nasiib-darro ah Baydhabo oo hal milyan oo qof ay ku nool yihiin inaysan dab demis lahayn, nasiib-darrada na haysata ayay ka mid tahay.” Ayuu yiri Maxamed Mukhtaar oo Dhacdo.com la hadlay.

Masuuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed iyo kan Gobolka Baay ayaan ka hadlin dabka caawa ka kacay warshadaasi iyo wixii dhaliyayba.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com