Dowladda Somaliya oo Jabuuti ku eedeysay inay la safatay Kenya

Dowladda Somaliya ayaa si weyn uga hortimid natiijada baaritaankii ay wadeen Guddiga Urur Goboleedka IGAD ee u dhashay dalka Jabuuti, ee loo diray inay baaritaan ku soo sameeyeen waxa ka jira xuduudda Somaliya iyo Kenya.

Tani ayaa waxay ka dambeysay, ka dib markii Dowladda Somaliya ay Kenya ku eedeysay inay ciidamo ku abuureyso xuduudda Degmooyinka Beled Xaawo iyo Mandhera.

Natiijada baaritaanka ee Guddigan uu u gudbiyay Urur Goboleedka IGAD ayaa u cuntami weyday Dowladda Somaliya, iyadoona Jamhuuriyadda Jabuuti ku eedeysay inay la safatay Kenya.

Wasiirka Warfaafinta Somaliya, Cismaan Abokar Dubbe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa Dowladda Jabuuti ku dhaliilay inaanay Somaliya u abaalgudin, abaalkii ay xilligii berrimaadka u gashay.

Halkan ka dhageyso shirka jaraa’id ee Wasiirka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com