Farmaajo oo Villa Somalia ku qaabilay Wasiirka Difaaca Ingiriiska (SAWIRRO)

Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka Difaaca Ingiriiska, Ben Wallace oo uu wehelinayay Safiirka Ingriiska ee Somaliya, Amb. Ben Fender.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Wasiirka qorsheyaasha hirgalay ee Dowladda Federaalka, ay ka xaqiijisay hannaanka dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida, amniga, dib-u-heshiisiinta iyo la dagaalanka Al Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Xasan Xuseen Xaaji oo kulanka ka qaybgalay ayaa ka warbixiyay wadahadalada dhexmaray labada dhinac, iyadoo la isla qaatay adkeynta iskaashiga labada dal ee dhanka amniga iyo la dagaallanka argagixisada.

“Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an adkeynta amniga dalka iyo ciribtirka Argagixisada Alshabaab, iyadoo kaashaneysa saaxiibbadeeda caalamka ee ay UK ka mid tahay. Labada dowladood waxa ay isla qaateen dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada, kor u qaadidda tababarrada iyo hannaank dib u dhiska ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Wasiirku.

Dhankiisa Wasiirka Difaaca Ingiriiska ayaa boggaadiyay horumarka muuqda ee ay ku tallaabsadeen shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, gaar ahaan dib-u-dhiska ciidamada iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com