Qarax caawa ka dhacay Degmada Wanlaweyn (SAWIRRO)

Qarax ay ku dhaawacmeen dhawr ka mida Ciidamada Daraawiishta ee Koonfur Galbeed ayaa caawa ka dhacay Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Qaraxan ayaa ka dhacay kontorool ay Ciidamada Daraawiishta ku leeyihiin dhanka galbeed ee Degmada Wanlaweyn, waana wadada aadda Magaalada Baydhabo.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya nooca uu qaraxaasi ahaa. Wararka qaar waxay sheegayan in uu ahaa bambo gacmeyd lagu tuuray ciidamadaasi, halka warar kalena ay sheegayan inay ahayd miino lagu aasay kontoroolkaasi.

Shan ka mida Ciidamada Daraawiishta ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacantay qaraxaasi, kuwaa oo laba ka mida ay xaaladoodu garaab tahay.

Xaaladda ciidamada ayaa iminka lagula tacaalaya Isbitaalka Degmada Wanlaweyn, inkastoo aanu isbitaalkaasi qaabili karin dhaawacyada culus.

Afaafka hore ee isbitaalka ayaa waxaa caawa buux-dhaafiyay qoysaska iyo ehelada askartii ku dhaawacantay qaraxaasi.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi, balse qaraxyada ceynkani oo kala ah ayaa waxaa looga bartay maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com