Dowladda oo wafdi Wasiiro iyo Saraakiil ciidan u dirtay Doolow (SAWIRRO)

Wafdi ka socda Dowladda Somaliya oo isugu jira Wasiiro iyo Saraakiil ciidan, Wariye-yaalna ay la socdaan ayaa maanta gaaray Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Wafdiga oo saaka ka amba-baxay Magaalada Muqdisho ayaa ka degay Garoonka Diyaaradaha Daawo ee Degmada Doolow.

Wafdigan oo uu horkacayo Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Xasan Xuseen Xaaji ayaa degmadaasi u tagay, sidii ay ugula kulmi lahaayeen maxaabiistii dagaalka Degmada Beled Xaawo lagu qabtay.

Maxaabiistan oo laga qabtay Ciidamadii Jubbaland ee weeraray Degmada Beled Xaawo, tiradooduna ay gaareyso 1,79 askari ayaa Talaadadii la geeyay Degmada Doolow, iyadoona lagu hayo xero ciidan oo ku taala halka lagu magacaabo Buundo Garas.

Wafdiga ayaa waxay go’aamin doonaan waxa ay tahay in laga yeelo maxaabiistaasi, haddii lagu maxkamadeyn lahaa Magaalada Muqdisho iyo haddii kalaba.

Dagaalkii qaraaraa ee Isniintii ka dhacay Degmada Beled Xaawo ayaa galaaftay nolosha in ka badan shan iyo labaatan qof, oo rayid u badan.

Dowladda Somaliya ayaa Kenya ku eedeysay in jabhad ay hubeysay soo weerareen Degmada Beled Xaawo, ka dib markii ay ka soo gudbeen xuduudda Mandhera, oo billihii ugu dambeeyay ay ku sugnaayeen, inkastoo ay Kenya beenisay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com