Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa ku hanjabay inaanay marnaba Degmada Beled Xaawo u dhaafi doonin Dowladda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Wasiirka ayaa sheegay in horaantii sanadkii 2011-kii ay Degmada Beled Xaawo ka xoreeyeen Al Shabaab, ka dib tiro laba jeer dagaalo ay ku jabeen, ay ku qaadeen, isagoo intaa ku daray in haddii ay cid uga tanaasulayaan Beled Xaawo, ay horaan u dhaafi lahaayen Al Shabaab, oo sida uu sheegay ka wanaagsan Dowladda Madaxweyne Farmaajo.
“Waxaan u maleynayaa 2011-kii bishii 3-aad, 5-teedii baa waxaan Beled Xaawo ka qabanay Ururka Al Shabaab oo haystay. Dagaal laba jeeraa ku jabnay, kii saddexaadaa ku qabanay. Waxaan hubaa kuwa aan ka qabanay dadnimo, sharaf iyo ammaano, intaba inay uga fiican yihiin Farmaajo iyo kooxdiisa, waan hubaa. Waan hubaa taas iyada ah, wax shaki ah iigama jiro.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka oo Jimcihii ka soo muuqday Telefishinka Jubbaland ayaa yiri “Marka talo guracan ama gumeysi gaara ama Qaranimo Soomaaliyeed oo leesla ogolyahay wax ka duwan oo dano gaar ah, haddaan u deyneyno, Al Shabaab baa u deyn lahayn Buulo Xaawo iyo Jubbaland degmooyinkeeda.”
Wasiir Janan oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Ma aqbaleyno, mana dhaceyso in nin qurbajooge ah oo basaboor wato oo dalka u soo doontay xil, saacadduu xilka waayana tagaya inaan deegaanadeenii, dalkayagii, Dowlad Goboleedkeenii, calankayagii iyo astaanta gaarka noo ahayd ee ummadda Soomaaliyeed wax kula darsanay uu diido, oo aan ka aqbalno, ugana tagno deegaanadeenii, marnaba ma dhaceyso.”
Ciidamo ka amarqaata Wasiir Janan oo ku sugan Degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa Isniintii weerar ku galay Degmada Beled Xaawo, inkastoo dib looga saaray.
Dagaalkan oo si weyn looga dareemay Beled Xaawo iyo Mandhera ayaa galaaftay nolosha in ka badan shan iyo labaatan qof, oo rayid u badnaa.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com