Raashiin markale la geeyay Magaalada Xudur (SAWIRRO)

Safar dhanka cirka ah ayaa markale maanta waxaa raashiin lagu geeyay Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool, xilli wadooyinka soo gala magaaladaasi ay weli xiran yihiin.

Diyaaradan ayaa raashiinka ka qaaday Magaalada Muqdisho. Raashiinkan ayaa qayb ka ah gargaarka ay Dowladda Federaalka ugu talagashay reer Xudur.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa wada duulimaadyo uu raashiinka ku gaynayo Magaalada Xudur, xilli uu fashilmay hawlgalkii ay ahayd in lagu furo wadooyinka magaaladaasi, oo ay go’doomiyeen maleeshiyada Al Shabaab.

Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa 16-kii bishan Magaalada Xudur u tagay ka jawaabidda cabasho xoog leh oo kaga timid dadka deegaanka, kuwaa oo ka cabanayay arrimo bani’aadanimo oo ka dhashay go’doominta daran ee maleeshiyada Al Shabaab ku hayaan magaaladaasi. Shabaabka ayaa jaray wadooyinka soo gala magaalada, iyagoona sidoo kale diiday in ay magaaladaasi taggaan gaadiidka xamuulka ee shixnadaha kala duwan sida.

Madaxweynaha oo Saraakiisha Ciidamada kula kulmay magaaladaasi ayaa ka dalbaday in la qaado hawlgal dib loogu furayo wadooyinka. Madaxweynaha ayaana 23-kii bishan ka laabtay Xudur, iyadoo aan weli wadooyinka la furin.

Wararka laga helayo Magaalada Xudur waxay sheegayan in Shabaabku ay weli sidoodii u jooggaan wadooyinka, isla-markaanay aanay jirin cid isku hawshayba, sidii looga dulqaadi lahaa.

Xudur waxay ka mid tahay magaalooyinka waaweyn ee Koonfur Galbeed, ay go’doominta daran ku hayaan maleeshiyada Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com