Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo waxay ka mid tahay magaalooyinka dalka ee dagaalada ku soo noqnoqdeen, soddonkii sano ee ugu dambeysay.
Tan iyo sanadkii 1991-kii waxaa Degmada Beled Xaawo maamulayay maamulo isaga kala dambeeyay, oo dagaalo is xigay isaga qabsaday.
Dowladda Federaalka Somaliya ayaa horaantii sanadkii 2020 Maamulka Jubbaland kala wareegtay gacan ku haynta Degmada Beled Xaawo, ka dib doorashadii lagu murmay ee 22-kii bishii August ee sanadkii 2019 lagu qabtay Magaalada Kismaayo, dib-na loogu soo doortay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Ciidamada Dowladda ayaa bishii March ee sanadkaasi fashiliyay weerar kaga yimid Ciidamada Jubbaland.
Dowladda ayaa sidoo kale bilaa dagaal kula wareegtay degmooyinka kale ee Gobolka Gedo, iyadoo markaasi ka gadoodsan doorashadii madaxtinimada Jubbaland, isla-markaana iska diiday inay aqoonsato.
Dagaalkii ugu dambeeyay ee Beled Xaawo ka dhacayna waa midkii 25-kii bishan ku dhex maray Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Jubbaland, oo galaaftay nolosha in ka badan shan iyo labaatan qof, oo rayid u badnaa.

Aadan Ibraahim Aw Xirsi oo horey u soo noqday Wasiirka Qorsheynta ee Jubbaland iyo Gudoomiyaha Gobolka Gedo, waxna laga weydiiyay sababta dagaalada ugu soo noqnoqdeen Beled Xaawo ayaa sheegay inay tahay magaalada oo goob istiraatiijiya ku taalo.
“Waxay u muuqataa sababta ugu weyn waa meesha ay ku taalo magaalada. Laba dal meel ay Somaliya xuduud kula leedahay, oo dadka deriska kula ahna ay Soomaali yihiin, laakiin caasimadihii ay aad uga shisheeyaan.” Ayuu yiri Aadan Ibraahim Aw Xirsi.

Aadan Ibraahim oo la hadlay BBC ayaa yiri “Dhul weyn oo gobolka labaad ee Somaliya ugu weyna deriskiisa way ku taallaa, oo inta badana Xamar iyo siyaasadda Somaliya ku xiran, marka xuduudnimada ay ku taalo iyo ku xirnaanta Gobolka Gedo uu ku xiran yahay siyaasadda wadaniga ah ee Xamar ayaa keenaya inta badan inay ka dhacaan qalalaasooyinka noocaasi ah.”
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaasi ku daray “Xuduudnimada waxay kaloo wadataa waa meel dhaqaale laga helo oo canshuur badan laga qaado, bacdamaa ay Itoobiya iyo Kenyaba deris la tahay. Magaaladaa weyn ee Mandhera iyo tiiyoo Doolow u jirta kiilo mitiro aan badneyn, marka dhaqaalahaas laga abuurayo iyadana waxay keenaysaa in leesku qabsado magaalada khayraadka yaala.”
Mar la weydiiyay in dagaalada ku soo noqnoqday Beled Xaawo ay ugu wacan tahay dadka deegaanka oo aan mideysneyn ayaa sheegay in shacabka ay qayb ka noqon karaan, balse aanan la oran karin waa sababta ugu weyn.
“Run ahaantii lama dhihi karo waa sababta ugu weyn, qaybse way ka tahayoo dadku haddii ay keligood tashanayaan, oo ay dantooda ka tashanayaan dagaalada way yarayn lahaayen, laakiin sababta ugu weyn waxaa weeye siyaasado is diidan, oo midda ugu yar Caasimadda Muqdisho ay madaxdeedii joogto, mararka qaarna kaba shisheeyo oo caasimado kale oo ajaaniib ah ay is hayn ka dhaxeysay baa iyagu ku soo lamaanay. Marka lama dhihi karo guud ahaan dagaalada ka dhaca waxaa sababay shacabka oo aan aad isu fahamsaneyn.” Ayuu yiri Gudoomiyihii hore ee Gobolka Gedo.
Sidee magaaladan uga bixi kartaa dagaalada ku soo noqnoqday oo la weydiiyay ayaa wuxuu yiri “Sida ugu sahlan waxaa weeye qaybta ay iyagu masuulka ka yihiin waa inay dadku is fahmaan oo danahooda ka tashadaan. Dadyahowga degan inay wada fariistaan ay dib-u-heshiisiin fiicana sameystaan, danahooda ka tashadaan oo markaana dowlad degmo oo loo dhan yahay la sameeyo, xalka ugu dhow waa in dowlad degmo Beled Xaawo laga sameeyo, oo dadku ay doortaan oo iyagu maamula, oo meel-na aan laga soo magacaabin. Dhibaatooyinka kale ee meelaha kale ka yimaada marka dadka shacabka ah ee magaalada degan ma xakameyn karaan.”
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com