Faah faahin: Toogashada lagu dilay General Maxamed Nuur Galaal

General Maxamed Nuur Galaal oo ka tirsanaa Saraakiishii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la xaqiiiyay in uu ku dhintay weerarka Hotel Afrik.

Maleeshiyaad ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa gelinkii dambe ee maanta weeraray hotelkan, oo ku yaala agagaarka Isgoyska KM4, gaar ahaan wadada aadda Garoonka Aadan Cadde.

General Maxamed Nuur Galaal ayaa ka mid ahaa dadkii ku go’doomay hotelkaasi, ka dib markii uu weerarku bilowday.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya ayaa xaqiijiyay geerida General Galaal.

Jananka ayaa waxaa toogasho ku dilay maleeshiyadii Shabaabka ee galay hotelka, kuwaa oo toogasho ka bilaabay hotelkaasi, wax yar uun ka dib markii ay gudaha u galeen.

Maxamed Cabdi Yaxye oo ka mid ah dadkii laga soo samata-bixiyay hotelka ayaa sheegay in jananka loogu galay qolkii uu hotelka ka deganaa, lana dilay jananka iyo tiro kale oo dad ah

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan ayaa haatan dadaal ugu jira, sidii ay u soo afjari lahaayen weerarkaasi oo masuuliyadiisu ay sheegatay Al Shabaab.

Ma cadda khasaaraha dhimashada ee ka dhashay weerarkaasi, waxaase jira warar sheegaya in dhimashadu gaareyso toban qof.

Laamaha ammaanka ayaa la fillayaa inay faah faahiyaan weerarkaasi, kolka ay ciidamada soo geba-gabeeyaan.

Weerarkan ayaa noqonaya kiisii ugu horeeyay ee Caasimadda Muqdisho ka dhaca wax ka yar lix bilood. Weerarkan kii ka horeeyay waa midkii ay Shabaabku ku bartilmaameedsadeen Hotel Elite, 16-kii bishii August.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com