Goobjooge ka sheekeeyay qaabka uu ku bilowday weerarkii Hotel Afrik

Hotelkan oo ku yaala wadada aadda Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa waxaa gelinkii dambe ee maanta weeraray dagaalyahanada mayalka adag ee Al Shabaab.

Weerarka ayaa ku bilowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay albaabka hore ee hotelka, waana midda sahashay in mintidiintu ay si sahlan gudaha ugu galaan hotelkaasi.

Goobjoogahan waxaa uu ka waramaya sida ay xaaladda hotelka ahayd iyo sida uu wejigu isu bedelay, markii uu weerarka bilowday.

Halkan kaga boggo wareysiga

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com