QM oo soo dhaweysay shirka uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Somaliya ayaa soo dhaweeyay shirkii uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isugu yeeray Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska UNSOM ayaa lagu sheegay in Qaramada Midoobey ay soo dhaweynayso shirka ay dhinacyada Soomaalida ku yeelanayaan Magaalada Dhuusamareeb.

“Bahda Qaramada Midoobey ee Somaliya waxay soo dhaweynayaan shirka uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed isugu yeeray Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Fedaraalka ee Magaalada Dhuusamareeb.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa qoraalka loogu baaqay inay isku tanaasul sameeyan, si loo fuliyo noocii doorasho ee lagu heshiiyay shirkii 17-kii bishii September lagu soo geba-gabeeyay Magaalada Muqdisho.

“Waxaan ku boorineynaa hoggaamiyeyaasha Somaliya inay heshiis isku tanaasul gaaraan, si degdeg loogu fuliyo noocii doorasho ee September 17.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Si kastaba ha-ahaatee Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Isniinta berrito lagu wadaa inay isugu taggaan Magaalada Dhuusamareeb.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com