Rooble oo ka hadlay weerarkii Hotel Afrik iyo geerida General Galaal

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga tacsiyeeyey ehelada iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed dadkii ku geeriyooday weerarkii argagixisadu ku qaadeen hotelk Afrik ee Magaalada Muqdisho, ee uu ka mid ahaa General Maxamed Nuur Galaal oo dalka iyo dadka muddo dheer u soo adeegayay.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay ku xusuusan doonaan General Galaal kaalintii uu ka soo qaatay difaaca dalka muddadii 50-ka sano ka badneyd, ee uu ka mid ahaa Saraakiishii udub dhexaadka u ahaa Ciidanka Xoogga Dalka.

“Waxaan cambaareynayaa falkaas bahalnimada ah. Waxaan Eebbe uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo intii dhimatay, inta dhaawaca ahna uu dhaqsi u bogsiiyo.”

Rooble ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in loo midoobo la dagaalanka kooxaha argagixisada ah, ee maalin kasta laynaya haldoorka dadka Soomaaliyeed, una diidan nabadda iyo horumarka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com