Shabaab oo awaamiir layaab leh ku soo rogay ganacsatada xoolaha Beledweyne

Ururka Al Shabaab ayaa markii ugu horeysay awaamiir adag ku soo rogay ganacsatada xoolaha ee Magaalada Beledweyne, taasoo kala dhantaali karta ganacsigooda.

Ururka Al Shabaab ayaa ganacsatada iyo gaadiidleydaba ku amray inaanay lo’da iyo arigaba gayn karin deegaaanada Puntland iyo Somaliland, si loogu iib-geeyo dalalka Carabta.

Ganacsatada xoolaha ayaa laga soo xigtay in awaamiirta Shabaabka ka soo baxday looga dalbaday inaysan xoolahooda gaynin Boosaaso iyo Berbera, si dekedaha halkaasi ku yaala looga dhoofiyo. Ganacsatada waxay taasi bedelkeeda sheegeen in loo ogolaaday in xoolahooda ka dhoofin karaan Dekedaha Muqdisho iyo Kismaayo.

Dadaaleyda xoolaha ee Magaalada Beledweyne waxaa qudhooda lagu amray inaanay ka shaqayn karin xoolaha la geeyo deegaanada Puntland iyo Somaliland.

Sidoo kale gaadiidleyda ayaa waxaa lagu amray inaanay ariga iyo lo’daba gaadiidkooda ku gayn karin Magaalooyinka Berbera iyo Boosaaso, ciddii dhegaha ka fureysatana ay ganaax wejihi doonto.

Ganacsatada waxay xaqiijiyeen haddii aysan awaamiirtaasi u hoggaansamin in neef walbo oo ari iyo lo’ ahba lagu ganaaxi doono min boqol dollar ($100), taasoo ah ganaax aad u adag.

Darawal walba ee lagu qabto inuu xoolaha ku geeyay magaalooyinkaasi gaariga uu wado amaba lagu qabto isagoo hawshaasi ku guda jira in lagu ganaaxi doono qori iyo booshkiisa.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa qiray inay jirto awaamiirta lagu soo rogay ganacsatada xoolaha iyo gaadiidleydaba, balse ay tani ka hadli doonaan, marka ay isku raacaan inay Warbaahinta la hadlaan.

Ma cadda ujeedada ka dambeysa amarka ka soo baxay Ururka Al Shabaab, ha yeeshee waxay wax lala yaabo ku noqotay ganacsatada iyo gaadiidleyda, oo markii horeba ay canshuuri jireen maleeshiyada Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com