Wararkii ugu dambeeyay weerarka lagu qaaday Hotel Afrik (SAWIRRO)

Faah faahino ayaa ka soo baxaya weerar qorsheysan oo gelinkii dambe ee maanta lagu qaaday Hotel Afrik ee Magaalada Muqdisho, iyadoona uu weli weerarku socdo.

Weerarka ayaa ku bilowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay albaabka hore ee Hotel Afrik oo ku yaala agagaarka Isgoyska KM4, gaar ahaan wadada aadda Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaana xigay dabley hubeysan oo gudaha u galay hotelkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dhawr nin oo qoryaha daran-dooriga u dhaca iyo bambaanooyin ku hubeysan ay isu qaybiyeen dhismaha hotelka, isla-markaana ay toogasho ka bilaabeen.

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa isu gadaamay dhammaanba wadooyinka soo gala hotelkaasi, kuwaa oo hotelka ka soo samata bixiyay qaar ka mid ah dadkii ku go’doonsanaa.

Inta laga warqabo tiro dad ah oo uu ka mid yahay General Maxamed Nuur Galaal oo ka tirsanaa Saraakiishii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la xaqiiiyay in weerarka lagu dilay.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan ayaa goor dambe oo caawa gaaray halkaasi, si ay weerarka u soo afjaraan. Gaashaan ayaana la adeegsadaa kolka weerarada ceynkani oo kala ah ay dhacaan.

Muuqaalo laga soo qaaday aagga hotelka ayaa muujinaya inuu hakad galay isu socodkii wadada Aadan Cadde illaa Isgoyska KM4.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka abaabulan ee lagu ekeeyay Hotel Afrik.

Weerarkan ayaa noqonaya kiisii ugu horeeyay ee Caasimadda Muqdisho ka dhaca wax ka yar lix bilood. Weerarkan kii ka horeeyay waa midkii ay Shabaabku ku bartilmaameedsadeen Hotel Elite, 16-kii bishii August.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com