Khasaaraha ka dhashay weerarkii Hotel Afrik oo kordhay

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu kordhay khasaaraha dhimashada ee ka dhashay weerarkii hubeysnaa ee gelinkii dambe ee Axadii lagu qaaday Hotel Afrik ee Magaalada Muqdisho.

Booliska ayaa goor dambe oo xalay ahayd sheegay in sagaal qof oo afar ka mida ay yihiin maleeshiyadii weerarka soo qaaday in lagu dilay weerarkaasi, halka toban kalena ay ku dhaawacantay.

Hase ahaatee wararka saaka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dhimashada ay iminka ka badan tahay shan iyo toban qof.

Dadka weerarka ku dhintay ayaa waxaa ka mida General Maxamed Nuur Galaal, Sarkaal Booliska ka tirsanaa oo lagu magacaabi jiray Cali Dhuux Barre, Cabdullaahi Nuure Siyaad oo la dhashay siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal), Madaxii Ilaalada Hotelka, nin dhalinyaro & lamaane aroos ahaa, afar ka mida ciidamada uu Turkiga tababaray ee Haramcad iyo afar maleeshiyadii weerarka soo qaaday ah.

Sidoo kale goobaha caafimaadka ee Magaalada Muqdisho ayaa la geeyay dhaawacyada in ka badan laba iyo toban qof oo rayid ah.

Khasaaraha ka dhashay weerarkaasi ayaa waxaa suurtagal ah in saacadaha soo socdo uu ka bato tiradaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com