Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa duhurnimadii maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug, Kuxigeenkiisa, qaar ka mida Golihiisa Wasiirada, Xildhibaano iyo Saraakiil ciidan.
Wafdiga Madaxweyne Lafta-gareen ayaa kolkii dambe loo galbiyay Madaxtooyada Magaalada Dhuusamareeb, oo iminka ay ku sugan yihiin.
Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in sidoo kale ay magaaladaasi gaaraan Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, oo halkaasi shir ku leh.
Shirkan oo illaa 3-da bisha socon doono ayaa looga hadli doonnaa doodaha ka dhashay heshiiskii ay madaxda ku gaareen Magaalada Muqdisho, 17-kii bishii September.
Maamulka Galmudug ayaa markale isku diyaariyay martigelinta shirka uu heerkiisu sareeyo, ee xalka loogu raadinayo khilaafka hareeyay doorashooyinka dalka.
Dadka u dhuun-duleela arrimaha siyaasadda ee dalka ayaa isha ku haya shirka ka furmaya Magaalada Dhuusamareeb, oo wixii ka soo baxaa lagu jaan-goyn doono doorashooyinka dalka.










Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com