Lamaanihii arooska ee weerarkii Hotel Afrik lagu dilay oo la aasay

Allaha u naxariistee Fahad Cabdiraxmaan iyo Farxiya Cali Cumar ayaa ka mid noqday shan iyo tobanka qof ee ku dhintay weerarkii Hotel Afrik ee Magaalada Muqdisho, iyadoona maanta la aasay.

Lamaanahan ayaa iyagoo maalmihii ugu farxadda badnaa ee noloshooda ku jira waxaa dilay maleeshiyadii Shabaabka ee Axadii weerartay hotelkaasi.

Fahad Cabdiraxmaan oo ka soo laabtay dalka Mareykanka ayaa dhawaan xaaskiisa cusub kula aqal galay Hotel Afrik, oo ku yaala agagaarka Isgoyska KM4, gaar ahaan wadada aadda Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Salaadda Janaasada ayaa lagula tukaday Masjid Jaamaca Degmada Xamar Weyne, ka hor intii aan hoygooda dhabta ah loo galbin.

Aabe Cali Cumar oo ah aabaha dhalay Farxiya ayaa sheegay in uu hotelkaasi gaaray, ka dib markii ay gabadhaasi ku soo wargelisay in hotelka la soo weeraray.

Aabe Cali Cumar ayaa sheegay in uu goobta u tagay si uu u soo badbaadiyo gabadhiisa iyo saygeedii, balse ay ku adkaatay in uu gudaha u galo hotelkaasi. Waxa uu intaa ku daray in uu u diyaargaroobay sidii uu meydkooda ku heli lahaa, marba haddii uu ka dhex waayay dhaawacyadii goobta laga soo saaray.

Inkastoo geerida ay xanuun badan tahay, haddana midda ku timid Fahad iyo Farxiya waxay xanuun gaara ku abuurtay bulshada Soomaaliyeed.

Weerarkan waxaa masuuliyadiisa sheegtay Ururka Al Shabaab, oo ka biyo diidan jiritaanka Dowladda Federaalka Somaliya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com