Madaxweynaha Hirshabelle oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb (SAWIRRO)

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa goor dhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

Wafdiga Madaxweynaha oo ka soo safray Magaalada Jowhar ayaa waxaa Garoonka Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay masuuliyiin uu ugu sareeyay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Madaxweynaha Hirshabelle iyo wafdigiisa ayaa loo galbiyay Aqalka Madaxtooyada Galmudug, oo haatan ay ku sugan yihiin.

Madaxweyne Guudlaawe waxaa ka sii horeeyay oo duhurnimadii maanta magaaladaasi gaaray Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in sidoo kale ay magaaladaasi gaaraan Madaxda Dowladda Federaalka, Puntland, Jubbaland iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, oo halkaasi shir ku leh.

Ciidamada amniga ayaa adkeeyay ammaanka magaalada, iyadoo wafuudda gaareysa magaaladaasi loo xiray wadooyinka qaarkood.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com