Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Samareeb ee caasimadda Galmudug, halkaas oo uu ku guddoominayo Shirka Wadatashiga Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ee qabsoomidda doorashada dalka.

Shirkan oo socon doona 1-da ilaa 3-da bishan ayaa ku saleysan dhaqangelinta heshiiskii 17-ka bishii September laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Heer Dowlad Goboleed ayaa sidoo kale ka arrinsanaya qorsheyaasha muhiimka u ah hannaanka geeddi socodka siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com