Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa inay maanta isugu taggaan Magaalada Dhuusamareeb, oo shir ay ku leeyihiin.
Inta badan madaxda ayaa waxaa la fillayaa in gelinka dambe ee maanta gaaraan Magaalada Dhuusamareeb, halkaasna uu ka bilowdo shirka uu ku baaqay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Shirka oo illaa 3-da bisha ka socon doono magaaladaasi ayaa looga hadli doonnaa doodaha ka dhashay heshiiskii ay madaxda ku gaareen Magaalada Muqdisho, 17-kii bishii September.

Maamulka Galmudug ayaa markale isku diyaariyay martigelinta shirka uu heerkiisu sareeyo, ee xalka loogu raadinayo khilaafka hareeyay doorashooyinka dalka.
Dhanka kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in shirka uu dib u dhici karo illaa berrito, inkastoo aanay jirin cid si rasmiya u xaqiijin karta.
Dadka u dhuun-duleela arrimaha siyaasadda ee dalka ayaa isha ku haya shirka ka furmaya Magaalada Dhuusamareeb, oo wixii ka soo baxaa lagu jaan-goyn doono doorashooyinka dalka.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com