Axmed Madoobe iyo sida loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo masuuliyiin kale ayaa Madaxweynaha Jubbaland ku soo dhaweeyay Garoonka Ugaas Nuur.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa la geeyay Xarunta Madaxtooyada Galmudug, halkaasoo ay ku sugan yihiin Madaxda Dowladda Federaalka iyo Madaxweyne-yaasha Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa shir ku leh Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa looga hadlaya khilaafka ka dhashay heshiiskii 17-kii bishii September ay ku gaareen Magaalada Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com