Cumar Filish oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb (SAWIRRO)

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa Garoonka Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay masuuliyiin uu ugu sareeyay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Duqa Muqdisho iyo xubno kale oo la socday ayaa kolkii dambe loo galbiyay Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Dhuusamareeb, oo madax kala duwan ay ku sugan tahay.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa shir ku leh Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa looga hadlaya khilaafka ka dhashay heshiiskii 17-kii bishii September ay ku gaareen Magaalada Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com