Hoyga Gudoomiyaha Degmada Dayniile oo caawa la weeraray

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhow bambo gacmeyd lagu tuuray hoyga uu Magaalada Muqdisho ka degan yahay Gudoomiyaha Degmada Dayniile, Maxamed Abuukar Jacfar.

Hoyga Gudoomiyaha oo ku yaala Degmada Hawlwadaag, gaar ahaan agagaarka Iskuulka Dhagaxtuur ayaa la sheegay in bambada ay ku weerareen rag aan la aqoonsan.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ilaalada hoyga Gudoomiyaha ay dhawr jiho u furayn rasaas xoogan, iyadoo dhinaca kalena ay baxsadeen raggii bambadaasi ku tuuray.

Sidoo kale ma jirto cid la sheegay inay ku waxyeelowday bambada iyo rasaastii ay furayn ilaalada hoyga Gudoomiyaha.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Degmada Dayniile uu hoygiisa ku sugnaa, xilligii bambada lagu weerarayay.

Saraakiisha laamaha amamanka iyo Gudoomiye Jacfar ayaan ka hadlin bambada nooca gacanta lagu tuuro ee caawa lagu weeraray hoygiisa.

Weerarkan ayaa imaanaya, xilli xaalad amni ay la soo deristay Gudoomiye-yaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Gudoomiye Kuxigeenada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com