Beegsiga ay maleeshiyada Al Shabaab ku hayaan dadka waxgalka u ah bulshada Soomaaliyeed ayaa waxaa qayb ka ah Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida, oo qaar badanoo ka mida ay dileen.
Weeraro taxane ahaa oo goobo kala duwan ka dhacay ayay mintidiinta Al Shabaab ku dileen janaralo ciidan, oo aad looga garanayay dalka.
General Maxamad Ibraahim Faarax (Gordon), Taliyihii Guutada 5aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayay Shabaabku ku dileen weerar ka dhacay deegaanka Buufow ee duleedka Magaalada Marka, 29-kii bishii October ee sanadkii 2012, waana laba bilood uun ka dib markii laga saaray Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose ee Magaalada Marka. Allaha u naxariistee General Gordon ayaa lafdhabar u ahaa hawlgalkii militari ee bishii August ee sanadkaasi Shabaabka loogala wareegay gacan ku haynta magaaladaasi.
Weerar kale oo 1-dii bishii November ee sanadkii 2015 ay maleeshiyada Shabaab ku qaadeen Hotel Saxafi ee Magaalada Muqdisho ayay ku dileen Allaha u naxariistee Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Cabdikariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan).
18-kii bishii September ee sanadkii 2016 weerar ismiidaamin ahaa oo ka dhacay Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho ayay sidoo kale mintidiinta ku dileen Allaha u naxariistee Taliyihii Qaybta 3aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale). Weerarkaasi waxa uu dhacay toban bilood ka dib geeridii General Dhega-badan. Labadaasi janan iyo General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde), waxaa lagu tiriyaa Saraakiishii maleeshiyada Shabaab ka saartay Magaalada Muqdisho, muddo sagaal sano laga jooggo.

Janan Booliska ka tirsanaa oo lagu magacaabi jiray General Ismaaciil Axmed Cismaan ayay rag bastoolado watay, waxa ay 28-kii bishii October ee sanadkii 2016 ku dileen Degmada Waaberi.
Kooxo bastoolado ku hubeysnaa ayaa General Maxamuud Xaaji Cali oo ka tirsanaa Hay’adda Nabad Sugidda ku dilay Degmada Boondheere, 27-kii bishii April ee sanadkii 2017.
Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa 24-kii bishii September ee sanadkii 2017 waxay Degmada Waaberi ku dileen Allaha u naxariistee General Cabdullaahi Maxamed Sheekh (Quruurux), Taliye Kuxigeenkii hore Saadka ee Ciidanka Xoogga Dalka.
Mar kale waxay kooxaha argagixisada soo abaabuleen dhagar ay ku dileen Allaha u naxariistee Taliyihii Qaybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Cumar Aadan Dhabad (Cumar Dheere) iyo Abaanduulihii Qaybta 12-ka April, General Cabdi Cali Jamaame. Weerarkan oo qarax wadada dhinaceeda lagu aasay loo adeegsaday ayaa 6-dii bishii Decemer ee 2018 ka dhacay deegaanka Dhanaane ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Weerar ismiidaamin ahaa oo 18-kii bishii December ee sanadkii 2020 ka dhacay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ayaa Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama ku dileen Allaha u naxariistee Taliyihii Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Cabdicasiis Cabdullaahi Cabdi (Qooje).
Axaddii oo ugu dambeysay weerar ay argagixisadu ku qaaday Hotel Afrik ee Magaalada Muqdisho ayay ku dishay Allaha u naxariistee General Maxamed Nuur Galaal, oo la tilmaamo inuu ka mid ahaa Saraakiisha Militariga Soomaaliyeed, kuwooda ugu khibradda wanaagsan.
Ilo xog ogaala ayaa sheegaya in bartilmaameedka argagixisadu uu ahaa General Galaal, General Indhacadde iyo Milkiilaha Hotelka, Xuseen Goley oo iska diiday in argagixisada uu canshuur siiyo.
General Galaal waa jananka keliya ee Ahlu Sunaddii Gobolada Dhexe kala shaqeeyay qiddadii ciidan, ee ay deegaanadeeda kaga xoreysay kooxaha argagixisada, waana tan loo maleynayo midda keentay inay beegsadaan.
Marka aad milicsato janaralada ay kooxaha argagixisada dileen waxaad ka arkeysaa inay u badan yihiin Saraakiisha Militariga, waana kuwa hoggaaminaya dagaalka ka dhanka ah kooxahaasi.
Si kastaba ha-ahaatee Dowladda Federaalka ayaa lagu dhaliilaa inaanay dersi ka kororsan amaba cashar ka baran weerar illaa weerar kale.
Xasan Cadde
Tafaftiraha Dhacdo.com
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com