Madaxweyne Deni oo safar dhulka ku tagay Dhuusamareeb (SAWIRRO)

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa noqday Madaxweynihii ugu dambeeyay ee gaara Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa duleedka Magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay wafdi uu hoggaaminayay Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku biiraya Madaxda Dowladda Federaalka, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku sugan Madaxtooyada Dhuusamareeb.

Dhinacyadan ayaa shir looga hadlayo muranka ka taagan arrimaha doorashooyinka ee dalka ku leh Madaxtooyada Dhuusamareeb.

Dhanka kale Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in ciidamada amniga ay si weyn u adkeeyaan ammaanka Magaalada Dhuusamareeb, isla-markaana ay hakad-geliyeen dhaqdhaqaaqii gaadiidka, sidoo kalena ay yareeyeen isu socodka dadweynaha ee magaalada.

Dadka u dhuun-duleela arrimaha siyaasadda ee dalka ayaa isha ku haya shirka Dhuusamareeb, oo wixii ka soo baxaa lagu jaan-goyn doono doorashooyinka dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com