SAWIRRO: Qoorqoor oo la kulmay Axmed Madoobe, Lafta-gareen & Guudlaawe

Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Galmudug ayaa caawa siyaabooyin kala duwan Magaalada Dhuusamareeb ugula kulmay Madaxweyne-yaasha Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Jubbaland.

Madaxweynaha Galmudug ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada ku booqday Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa guryahooda ku booqday Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Madaxweynaha Hirshabelle iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Jubbaland.

Madaxtooyada Galmudug ayaa qoraal ku sheegtay in Madaxweyne Qoorqoor uu salaan ugu tagay madaxdaasi, oo berrito lagu wado in ay magaalada kaga qaybgalaan shirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Kulamadan ayaa qayb ka ah kulamo kala gooni gooni ahaa oo tan iyo xalay ka socday Magaalada Dhuusamareeb, iyadoona ay horudhac u yihiin shirka ka furmaya magaaladaasi.

Shirkan ayaa looga hadli doonnaa doodaha ka dhashay heshiiskii 17-kii bishii September ay ku gaareen Magaalada Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com