SAWIRRO: Shabaab la toogtay oo Dhuusamareeb lagu soo bandhigay

Maamulka Galmudug ayaa maanta duleedka Magaalada Dhuusamareeb ku soo dhigay laba nin oo ka tirsan Ururka Al Shabaab, kuwaa oo midkood toogasho lagu dilay, kan kalena lagu dhaawacay.

Labadan nin ayaa qayb ka ahaa weerarkii madaafiicda loo adeegsaday ee xalay Shabaabku ku weerareen Magaalada Dhuusamareeb.

Al Shabaab ayaa sheegtay in illaa toban hoobiye ay ku garaacday magaaladaasi. Dhawr qof oo midkood uu askari yahay ayaana ku dhaawacmay madaafiicdaasi.

Axmed Shire Falagle, Wasiirka Warfaafinta Galmudug ayaa sheegay in dadka ku dhaawacmay madaafiicdaasi ay dhaawacyadoodu yihiin kuwo fudud.

Wasiirka oo la hadlay BBC ayaa sheegay in maleeshiyadii madaafiicda ku weerartay magaalada, waxna la dilay, waxna la qabtay, sida uu yiri.

Wasiirka ayaa tilmaamay in raggaasi looga daba tagay bannaanka magaalada, xilli sida uu sheegay ay ku dhuumaaleysanayeen, isla-markaana ay ciidamada gacanta ku dhigeen qalabkii hoobiyaha laga tuuray.

Shabaabka ayaa dhawrkii bilood ee ugu dambeysay madaafiic ku weerarayay Magaalada Dhuusamareeb, waxaana uu weerarkii xalay ku soo aadaya, xilli magaalada ay shir ku leeyihiin Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com