Shariif Sheekh Axmed oo la kulmay Gudoomiyaha Aqalka Sare (SAWIRRO)

Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay Musharax Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Labada dhinac ayaa ka wadahadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan midda doorashooyinka, oo billihii ugu dambeeyay uu khilaaf ka taagnaa.

Qoraal lagu daabacay Page-ka Aqalka Sare uu ku leeyahay Facebook ayaa lagu yiri “Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa hoygiisa ku qaabilay Madaxweynihii hore ee Dalka ahna Gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran, Shariif Sheekh Axmed. Labada dhinac ayaa ka wadahadlay xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka e 2021.”

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa horey Dowladda Federaalka uga dalbaday in soo xulista Xildhibaanada Gobolada Waqooyi looga dambeeyo Gudoomiyaha Aqalka Sare.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com