Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed oo galbinayay gaadiid sida raashiin ayaa maanta si nabadgelyo leh ku gaaray Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.
Gaadiidkan oo u rarnaa ganacsato deegaanka ah ayaa muddooyinkii ugu dambeysay ku xanibnaa Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool.
Labada ciidan ayaa gaadiidka kula soo safray wadada xiriirisa Xudur iyo Ceelbarde, lamana soo sheegin wax weerar ah oo ay kala kulmeen maleeshiyada Al Shabaab, intii ay wadada ku soo jireen.
Boqolaal ka mid ah shacabka reer Xudur ayaa si diiran u soo dhaweeyay ciidamadii wadada soo dhaafiyay gaadiidkii shixnadaha ganacsi siday.
Go’doominta daran ee maleeshiyada Al Shabaab ku hayaan Magaalada Xudur ayaa keentay in xaalad bani’aadanimo la soo deristo dadka deegaanka, taasoo ay bulshada cabasho xoog leh ka muujisay.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa isagoo ka jawaabaya cabashada dadka deegaanka waxaa uu 16-kii bishii January gaaray Magaalada Xudur, iyadoo uu ballanqaaday in wadooyinka la furi doono.
Waa markii ugu horeysay oo raashiin dhinaca dhulka ah lagu gaarsiiyo Magaalada Xudur, muddo billo ah.






Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com