Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu xeer Madaxweyne oo summaddiisu tahay Lr. 12/022021 uu maanta ku meel mariyay cayimaadda maalinta Doorashooyinka isku-sidkan ee Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka.
Waxaanu u dhignaa Xeerka Madaxweynuhu Sidan:-

Xeer Madaxweyne Lr. 12/022021
Cayimaadda Muddada Doorashooyinka
Markaan Arkay: Qodobka 42aad, Faqraddiisa 2aad ee Dastuurka Somaliland;
Markaan Arkay: Qodobka 6aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, Xeer Lr. 91/2020;
Markaan Arkay: Qoraalka Komishanka Doorashooyinka ee summaddiisu tahay KDQ/XK/002/2021, kuna taariikhaysan 16/01/2021, ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Doorashada Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee 2021;
Markaan Arkay: Go’aanka Golaha Guurtida ee summaddiisu tahay Ref: GG/SL/KC/G-01/02/2021, kuna taariikhaysan 02/02/2021, ujeeddadiisuna tahay Go’aanka Dib-u-eegista Muddo Xileedka Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland;
Waxaan Go’aamiyey;
In Doorashooyinka Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanku ay ka dhacaan Somaliland Maalinta Isniinta ah ee ku beegan 31-ka Bisha May 2021.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com