Shirka Dhuusamareeb oo looga hadlay arrinta Gudoomiye Xaashi

Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in shirkii maanta ka furmay magaaladaasi looga hadlay mid ka mida saddexda qodob ee miiska saaran, kaasoo ah Xildhibaanada ka imaanaya Gobolada Waqooyi (Somaliland).

Shirka oo ay ku sugan yihiin Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyne-yaasha Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa lagu soo hadalqaaday eedeymaha xoogan ee Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare uu u jeediyay Madaxweyne Farmaajo, ee ah inaanu aqoonsanayn Aqalka Sare iyo Dastuurka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) uu madaxda ka codsaday in shirka laga soo qaybgeliyo Gudoomiye Cabdi Xaashi.

Wararka ayaa sheegaya in Gudoomiye Xaashi khadka la soo geliyay intii ay shirka u fadhiyeen madaxda, iyadoona loo sheegay in arrinta soo xulista Xildhibaanada Gobolada Waqooyi ay heshiis ka gaaraan, isaga iyo Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), wixii ay isla gartaana uu dib ula soo wadaago madaxda.

Qodobka maanta ee shirka looga hadlay ayaa ka mida saddexda qodob ee miiska saaran, ayna tahay in xal laga gaaro, ka hor inta aan la guda-gelin hirgelinta doorashooyinka, haddana ma jirto cid xubnaha Gobolada Waqooyi ku meteleysa shirkaasi.

Labada qodob ee kale ee shirka lagu lafa-guri doono ayaa kala ah arrinta Gobolka Gedo, oo Maamulka Jubbaland uu dalbanayo in gobolkaasi laga saaro Ciidamada Dowladda Federaalka iyo qodobka kale oo ah doodda ka dhalatay Xubnaha Guddiga Doorashooyinka qaarkood, oo Golaha Midowga Musharaxiinta uu dalbaday in la bedelo.

Si kastaba ha-ahaatee Shirka Dhuusamareeb ayaa ka duwanaan doono shirarkii hore, bacdamaa ay shirkan gadaal ka riixeyso Beesha Caalamka, oo u muuqata mid soo fara-gelisay arrimaha siyaasadda ee dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com