Shirka Madaxda oo ka socda Magaalada Dhuusamareeb (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta guddoomiyay furitaanka shirka wadatashiga heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee ku saabsan dardar galinta hannaanka doorashooyinka dalka iyo sii ambaqaadidda heshiiskii 17-ka Seebteembar ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa ka qaybgalay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyne-yaasha Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Madaxda ayaa isla gorfeeyay dadaallada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee loo qaaday hirgelinta hannaanka doorashooyinka, xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay wadajirka shacabka soomaaliyeed, waxa uuna dul istaagay marxaladihii adkaa ee laga soo maray dib u dhiska dowladnimadeenna.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com