WHO oo shaacisay in Somaliya ay bishan heli doonto tallaalka COVID-19

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano (WHO) ayaa maanta sheegtay in Somaliya ay bishan February heli doonto tallaalka COVID-19.

Dr. Mamunur Rahman Malik, Madaxa Hay’adda WHO ee Somaliya ayaa sheegay in Somaliya ay heli doonto hal dhibic laba milyan (1.2m) oo goojo, oo ah tallaalka Oxford AstraZeneca.

Wuxuu sheegay in tallaalka oo isugu jira gacanta hore iyo gacanta dambe laga tallaali doono lix boqol oo kun (600,000) oo Soomaali ah.

Sidoo kale billaha March iyo April ayuu sheegay in Somaliya ay heli doonto tallaal kale, labada tallaalba xanuunka looga tallaali doono boqolkiiba labaatan (20%) dadweynaha Soomaaliyeed.

Tallaalkan waa lacag la’aan, waxaana bixinaysa Xarunta Covax, iyadoo uu xaruntaasi maalgeliyay Ururka Midowga Yurub.

Wakiilka Midowga Yurub, Amb. Nicolas Berlanga ayaa maanta Magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay toban milyan oo Euro, oo qayb ka mida lacagtaasi looga qayb qaadanayo la tacaalidda COVID-19.

“Waan ka soo daahnay, haddii aan ka hadalno COVID-19 oo ah caqabad taagan. Daahfurka 2 mashruuc (10 milyan euro) oo lagu xoojinayo caafimaadka bulshada Gobolka Banaadir & Somaliya iyo daboolida saadka ee imaatinka tallaalada COVID-19. Aad baan u boggaadinaya iskaashiga ay la leeyihiin Wasaaradda Caafimaadka Somaliya iyo WHO.” Ayuu yiri Nicolas Berlanga.

Baanka Adduunka iyo Hay’adaha UNICEF iyo WHO ayaa sidoo kale Dowladda Somaliya ka caawin doono, boqolkiiba sideetanka kale ee dadka Soomaaliyeed, sidii ay u heli lahaayen tallaal bilaa lacag ah.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com