Goobjooge ka hadlay dagaalkii Magaalada Beledweyne

Dagaalkan ayaa u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo maleeshiyaad uu hoggaamiyo General Abuukar Xaaji Warsame (Xuud), oo ka tirsanaa Saraakiishii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Dagaalka oo muddo kooban ka socday xaafadda Kooshin ayaa leesku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Afhayeen u hadlay General Xuud ayaa sheegay in ujeedkoodu uu ahaa in xabsiga magaalada ay ka sii daayaan dhalinyaro taageersan, balse ay xirtay Dowladda Federaalka.

General Xuud ayaa ka biyo diidan hannaankii loo maray doorashadii 11-kii bishii November ee sanadkii 2020 ka dhacday Magaalada Jowhar, laguna soo doortay Madaxweynaha cusub ee Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Dhageyso: Goobjoogaha oo la hadlay Radio Kulmiye

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com