Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ka hadlay shirka ka socda Magaalada Dhuusamareeb iyo sida keliya ee looga gudbi karo xilliga kala guurka, wixii ka dambeeya 8-da bishan February.
Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa marka hore sheegay inaanan loo dhameyn shirka maalintii 2aad Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir uga soconaya Magaalada Dhuusamareeb.
Midowga Musharaxiinta ayaa dalbaday in shirka uu noqdo mid loo dhan yahay, lagana soo qaybgeliyo dhammaanba danleyda siyaasadda iyo ururada bulshada, si qodobada ka soo baxa ay u meelmaraan.

Haddiiba ay dhacdo inaanan shirka laga soo qaybgelin dhinacyada ka maqan ayaa waxaa bayaan ay soo saareen Midowga Musharaxiinta lagu sheegay in natiijada laga soo saari doono shirka ay noqoto mid raaligelisa kuwa shirka ku sugan iyo kuwa kale ee ka maqanba.
Bayaanka waxaa lagu sheegay inaanu Midowga Musharaxiinta aqbali doonin in dalka xukumaan shakhsiyaad iyo hay’ado bay yiraahdeen uu muddo xileedkoodii dhammaaday.
Bayaanka waxaa sidoo kale lagu sheegay laga bilaabo 8-da bishan in heshiis siyaasadeed oo wadar ogol uun ah looga gudbi karo xilliga kala guurka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com