Wasiir Xaaji oo kormeeray Xarunta Maxkamadda Ciidamada (SAWIRRO)

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Xasan Xuseen Xaaji ayaa kormeer ku tagay Xarunta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo xafiisyada ay ku shaqeeyaan Saraakiisha iyo Garsoorka Maxkamadda.

Wasiirka ayaa xafiisyadooda kula kulmay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida, Maxamuud Axmed Xasan (Dalab), Gudoomiyaha Maxkamadda Daarajada 1aad, Korneyl Xasan Cali Nuur (Shuute) iyo xubno kale oo Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda uu ka mid yahay.

Wasiirka ayaa Masuuliyiinta Maxkamadda Ciidamada ka dhageystay warbixin ku aadan hannaanka shaqada ee maxkamadda iyo hawlaha baaxadda leh ee qaranka u hayaan.

Wasiir Xaaji ayaa geba-gabadii kormeerka sheegay in kormeerkiisan iyo kulanka uu la qaatay Garsoorka Maxkamadda Ciidamada ay la xiriirto, sidii Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida looga wada hirgelin lahaa Dowlad Goboleedyada.

Wasiirka ayaa ballanqaaday in Wasaaradda Gaashaandhigga ay ka qayb qaadaneyso sare u qaadidda aqoonta Saraakiisha iyo Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, sida uu yiri.

Waa kormeerkii ugu horeeyay oo Wasiir Xaaji uu ku taggo Xarunta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, tan iyo markii xilka loo magacaabay bishii October.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com