Burcad sameysay basaboor ay u ekeysiiyeen inuu Rambo leeyahay

Booliska dalka Bulgaria ayaa 29-kii bishii January gacanta ku dhigay koox burcad ah, oo la ogaaday inay sameeyaan dokumentiyada been abuurka, ka dib markii ay xogtooda helayn.

Hawlgal uu booliska ka sameeyay xaafadaha Magaalada Sofia ayaa waxaa suurtagashay in gacanta lagu soo dhigo burcadaasi, oo lala soo qabtay basaboor been abuura, oo ay u ekeysiiyeen inuu leeyahay jilaaga caanka ah ee dalka Mareykanka u dhashay ee Rambo (Sylvester Stallone), sidoo kale waxaa lala soo qabtay qalabkii ay ku shaqeynayeen, lacago iyo taysaro been abuur ah.

Marka aad fiiriso basaboorka been abuurka ee ay ka dhigeen inuu leeyahay Rambo ayaa waxaa kuu muuqaneysa inay qaladaad waaweyn sameeyeen, waa midda horee iyagoo adeegsaday magaca shakhsi caan ah, oo ay ka dhigeen inuu yahay muwaadin reer Bulgaria oo ku dhashay Magaalada Sofia iyo inay adeegsadeen sawir aan taysaro ahayn.

Dhacdadan ayaa noqotay mid ay hadalhayso Warbaahinta dalkaasi iyo tan dunidaba.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com