Gorgor iyo Shabaab oo markii ugu horeysay ku dagaalamay Gedo (SAWIRRO)

Faah faahino ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo maanta Ciidamada Dowladda iyo maleeshiyada Al Shabaab ku dhex maray wadada xiriirisa Degmooyinka Luuq iyo Doolow ee Gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa yimid, ka dib markii maleeshiyada Ururka Al Shabaab ay wadada u galeen gaadiid uu la socday Gudoomiyaha Degmada Luuq, Cali Faarax Mire, oo markaasi ka soo laabtay dhinaca Doolow.

Ciidanka Xoogga Dalka oo ay wehliyan cutub ka tirsan Kumaandooska Danab ayaa weeraray saldhig ay Shabaabku ku leeyihiin deegaanka Shataalow oo qiyaastii 20km u jira Degmada Luuq.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Gedo, Cali Cabdullaahi Juba ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay cagta mariyeen saldhiggii ay Shabaabku ku lahaayen Shataalow.

Afhayeenka ayaa xusay in dagaalka lagu dilay toddobo ka mida maleeshiyada Al Shabaab, isagoo intaa ku daray in shan iyo toban kale laga dhaawacay, halka afar kalena nolosha lagu soo qabtay, sida uu yiri.

Cali Cabdullaahi Jubba, Afhayeenka Maamulka Gobolka Gedo ayaa xusay in dagaalka uu dhaawac fudud ka soo gaaray laba ka mida Ciidanka Xoogga Dalka.

Dhanka kale Ururka Al Shabaab oo sheegtay inay iyagu weerarka qaadeen ayaa waxay sidoo kale sheegeen inay ku qabsadeen laba gaari oo kuwa dagaalka ah, oo dhawaan diyaarado lagu keenay sida ay sheegeen Gobolka Gedo.

Shabaabku ma sheegin wax khasaaro ah oo dagaalka ka dhashay, balse taasi bedelkeeda waxay weerarkan ku sheegeen kiisii ugu horeeyay oo ciidamo u daacad ah Madaxweyne Farmaajo lagula eegto gobolkaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com