Guddiga Doorashooyinka oo war ka soo saaray shirkii burburay ee Dhuusamareeb

Guddiga Hirgelinta ee Doorashooyinka Qaranka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay is afgaran-waagii uu ku soo dhammaaday shirkii Magaalada Dhuusamareeb.

Guddiga ayaa Warsaxaafadeed uu soo saaray waxaa lagu sheegay inay weli rajo jirto oo lagu xalin karo khilaafaadka jira, iyadoona dhinacyada loogu baaqay inaanay quus muujin, isla-markaana ay u istaagaan masuuliyadda dalka ka saaran, si loo hirgeliyo heshiiskii 17-kii September ee hirgelinta doorashooyinka ku qotomay.

Akhriso Warsaxaafadeedka Guddiga Doorashooyinka

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com